"In la kufaa waa sunnaha nolosha inse la kici waayo ayaa kadeed nafeed dhalisa".
Fahan Naftaadda
Maaree Dareemadaada
Si Dhammaystiran U Noolow
About
Hamda Hussein
Magacaygu waa Hamda Hussein ,waxaan ahay la taliso iyo tababare-nololeed oo baratay aqoonta kasmo-nafeedka (Psychology) iyo Shariicada (Islaamka) tan micnaheedu waxa weeyaan talo bixintaydu waxay ku qotontaa aqoonta nafta iyo tixgalinta tiirka diineed ee qofka aan la talinayo laf dhabarta u ah.
Marka aad talo ama tababar iga soo dalbato waxaan kuu fiidinayaa gogol nabadeed oo aad nabdigaaga si nafis ah ugaga hadli kartid, ku dareemi kartid xasillooni iyo inaad xaalkaaga qof aamin ah la wadaagtay oo aanay xogtaadu baylaheen. La talintu waxay i bartay inaan ku baraarugo kala duwanaanshiyaha dabeecadeed, kuwa dhaqan iyo kuwa da’eed ee dadka aan la talinayaa leeyihiin, tixgalinta kala duwnaanshiyahani wuxuu ii suurta geliyaa inaan qof walba talo iyo tababar ku habboon oo hankiisa u hiiliya ugu hagar baxa oo ka haqab tiro.
Hamda Hussien Courses
Books
What do people say?
Testimonials from the folks who changed their lives – for better.